Hiba Nuura oo ku dhawaaqday in Alle dartii fanka ugu hartay

Hiba Nuura oo ku dhawaaqday in Alle dartii fanka ugu hartay

daajis.com:- Fanaannadda caanka ah ee Soomaaliyeed Hiba Maxamed Nuur ayaa sheegtay in ay go’aansatay in wejiga Alle dartii ay uga harto muusigga.

Hibo Nuura oo u warramaysay Laanta Af-Soomaaliga ee BBC waxay sheegtay in muddo ay ku soo tallamaysay sidii ay ku joojin lahayd muusigga oo ay sheegtay in aanay ahayn wax wanaagsan sida culimadu ay sheegtay.

hibo-nuraHibo Maxamed oo muddo konton sano ku dhaw ku jirtay fanka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay weli diyaar u tahay suugaanta waddanka iyo dhiiri gelinta balse aanay muusig danbe ku qaadi doonin hees.

Fanaannaddu waxay sheegtay in aanay dhiirrineyn heesaheeda in la saaro ama la qaado, laakiin waxay sheegtay in wixii suugaan ah ee wax u taraya dalka iyo diinta ay sii wadi doonto.

Waxay ugu baaqday fannaaniinta kale in ay iska joojiyaan heesaha lagu qaado muusikada oo aan aheyn wax wanaagsan diiniyan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada