VIDEO:- Xulka Ivory Coust oo ku guuleysatay koobka Qaramada Afrika+SAWIRRO

VIDEO:- Xulka Ivory Coust oo ku guuleysatay koobka Qaramada Afrika+SAWIRRO

daajis.com:- Xulka qaranka Ivory Coast ayaa ku guulaystay koobka qaramada Afrika ee 2015, iyadoo ku qaatay waqtigii dheeriga kadib rigooreyaal waqti badan qaatay ay ku guuleysteen.

Ciyaarta finalka oo aheyd mid labada dhinac ay dadaal muujiyeen ayaa waxaa rigooreyaashii labada dhinac qeybtii hore min shan laad ay labadooda iska qasaariyeen min labo laad, waxaana lagu daray min shan jeer kale oo dhamaantood ay shabaqa soo taabteen, hase ahaatee goolhayaha Chana oo tuurtay ayaa laga badbaadiyay, halka goolhayaha Ivory Coust uu dhaliyay.

Goolhayaha Ivory Coast Barry ayaa noqday halyeeyga guusha ku hoggaamiyay xulkiisa, waxaana sidaas Champions-ka Afrika ku noqday Ivory Coast.

Ghana iyo Ivory Coast ayaa sanadkii 1992, sidaan oo kale isaga horyimid finalka koobka qaramada Afrika, iyadoo rigooreyaal looga qaaday Chana, waxayna caawa dib usoo xusuusatay guuldaradaasi.

HALKAN KA DAAWO RIGOOREYAASHII LA TUURTAY 






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada