Kulankii Deg Dega Ahaa ee Madaxtooyada oo Qodobo laga Soo Saaray (Sawirro)

Kulankii Deg Dega Ahaa ee Madaxtooyada oo Qodobo laga Soo Saaray (Sawirro)

daajis.com:- Shir deg deg ah oo ka dhacay Madaxtooyada Dalka ee Villa Somalia oo ay isugu yimaaddeen Golaha Wasiirrada, uuna kala soo qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa looga hadlay weerarkii maanta lagu qaaday “Hotel-ka Central” oo ay markaas ku sugnaayeen shacab iyo masuuliyiin Salaadda Jimcaha ku tukanayey masaajid ku dhex yaala Hotelka.

Falkaas waxaa loo adeegsaday gaari ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa iyo nafti halige is qarxiyay. Dhacdadaas argagixiso waxaa ku geeriyooday 25 qof inta la xaqiijiyay oo isugu jira shacab iyo masuuliyiin, kana mid yihiin 2 Xildhibaan, Guddoomiye ku xigeenkii Gobolka Banaadir, masuuliyiin iyo shaqaale ka tirsan Xafiiska R/Wasaaraha.


Waxaa sidoo kale weerarka ku dhaawacmay in ka badan 40 qof oo qaba dhaawacyo kala duwan. Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte.

Qodobadii laga soo saaray Shirka:

1. Cambaarayn weerarkii wuxuushnimo ee lala beegsaday shacab iyo mas’uuliyiin dawladda ah.

2. U tacsiyayn shacabka Soomaaliyeed iyo ehelladii dadkii ku geeriyooday falkaas argagixiso.

3. Dhisid guddi Wasiirro oo ka kooban, Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Caafimaadka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, si ay uga hawlgalaan taakulaynta dadka ay waxyeeladu soo gaartay.

4. Dhisid Guddi Amni oo hormuud ka yihiin, Wasiirka Amniga Gudaha iyo Wasiirka Gaashaandhigga, kaasoo baaritaan ku soo sameynaya falkaasi, si loo qaado talooyinka xiga.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada