Madaxweynaha Koofurta Sudan iyo Hogaamiyaha Mucaaradka oo heshiis colaad joojin kala saxiixday

Madaxweynaha Koofurta Sudan iyo Hogaamiyaha Mucaaradka oo heshiis colaad joojin kala saxiixday

daajis.com:- Madaxweynaha Koofurta Sudan Salva Kiir iyo Hogaamiyaha Mucaaradka Reik Machar ayaa kala saxiixday heshiis colaad joojin ah, kaasoo lagu soo afjarayo dagaalada ragaadiyay dalka yar ee ee Suudaanta Koofureed.

Heshiiskan ayaa dhigaya in labada dhinac ee isku haya siyaasada Koofurta Sudan inay 5-ta bisha Maarso ku soo afjaraan colaada, isla markaana awood qeybsi la sameeyo.

Madaxda Urur Goboleedka IGAD oo garwadeen ka ah wada hadaladan ka socda Addis Ababa ayaa lagu go’aamiyay in labada dhinac ee isku haya Koofurta Sudan ay la yimaadaan dhaqan gelin heshiiska ay wada gaareen.

Sidoo kale Madaxda IGAD ayaa ugu hanjabay labada dhinac inay jebiyaan heshiiskan, waxaana loo jeediyay digniin ah cidii jebisa in cunaqabateyn lagu soo rogi doono

Seyoum Mesfin oo ah Ergeyga IGAD u qaabilsan dhex dhexaadinta colaada Koofurta Sudan ayaa labada dhinac ugu baaqay inay ixtiraam u muujiyaan heshiiskan, ayna fuliyaan qodobada heshiiskan ka kooban oo ugu horeyn dhigaya xabad joojin.

Madaxweynaha Koofurta Sudan ayaa noqon doona Madaxweynaha dowlad kumeel gaar ah, halka kuxigeenkiisa hore ee Hogaamiyaha Mucaaradka Reik Machar uu noqon doonaa Madaxweyne kuxigeenka koowaad.

Dagaalada ka socday Koofurta Sudan oo bilowday dhamaadkii sanadkii 2013 ayaa sababay inay kumanaan ruux ay ku waayaan naftooda, halka tiro hal milyan iyo bar ay ku barakacaan, waxaana Qaramada Midoobey ay horay u sheegtay in xaalado bani’aadanimo ay ka jiraan dalkaas ugu yar caalamka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada