Shirka dib u heshiisiinta Beelaha Gobolada Dhexe oo si habsami leh uga socda Dhuusa Mareeb (Sawirro)

Shirka dib u heshiisiinta Beelaha Gobolada Dhexe oo si habsami leh uga socda Dhuusa Mareeb (Sawirro)

daajis.com:- Shirar dib-u-heshiisiineed oo ay hore ugu baaqeen beelaha wada dega gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa shalay ilaa maanta waxay ka dhacayaan Xarunta cusub ee (Nabadda iyo Mideynta Soomaaliya) ee degmada Dhuusa Mareeb oo gobolka Galgaduud.

Wafdi ballaaran oo tiro ahaan kor u dhaafaya 212 xubnood kana kala yimid degmooyinka iyo tuulooyinka waqooyiga gobolka Galgaduud oo maalin ka hor soo gaarey degmada Dhuusa Mareeb iyo ergo kale oo ka timid degaanno kale oo isla gobolka galgaduud ah, ayaa waxaa shirar dib u heshiisiineed uga socdaan hoolka shiraka ee degmada Dhuusa Mareeb.

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud Xuseen Cali Weheliye (Cirfo) oo shirarkan ka dhex muuqda ayaa ergada ka qeyb galeysa ku dhiirra geliyey in la isku tanaasulo nabaddana la wada qaato si loogu gudbo maamul goboleed lagu mideysan yahay oo gogoshiisu taalo degmada Dhusamareeb. Waxaa kaloo isaguna shirarkaan si weyn u hagaya guddoomiyaha degmada Caabudwaaq Mudane Cabdirisaaq Xasan Cawl.

Sidoo kale waxaa degmada Dhuusa Mareeb maalmaha soo socda ku soo wajahan ergooyin kor u dhaafaya 200 xubnood oo ka soo ruqaansanaya Magaalada Muqdisho, Xubnahaasi oo ka kala socda 9 beelood oo wada dega gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Ergadan ayaa waxay magaalada Dhuusa Mareeb uga qeyb gelayaan shirka dib u heshiisiinta beelaha dega gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Dhanka kale wafdi ka socda urur-goboleedka IGAD oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa lagu wadaa inay soo gaaraan degmada Dhuusamareeb.






Madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa sidoo kale soo dhoweyntooda loogu diyaar garoobay degmada Dhuusa Mareeb.

Shirkan dib u heshiisiinta beelaha wada dega gobollada mudug iyo Galgaduud, waxaa lagu sheegay in lagu dhameynayo khilaafaadka iyo xurgufta dhexdooda ka jira, ka dibna loo gudbo maamul loo dhan yahay oo laga yagleelo degaannadaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada