Madaxweynaha oo dib ugu soo laabtay dalka, kadib safar caafimaad uu ugu maqnaa dalka Jarmalka

Madaxweynaha oo dib ugu soo laabtay dalka, kadib safar caafimaad uu ugu maqnaa dalka Jarmalka

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saakay dib ugu soo laabtay Muqdisho, kadib markii uu maalmihii lasoo dhaafay safar caafimaad ah ugu maqnaa dalka Jarmalka.


Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaraddaha kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad ay aad u wanaagsan tahay isla markaana uusan qabin xanuun daran oo ku taagan balse saddexdii sano ee uu xilka hayay aanu fursad u helin baaritaan caafimaad.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada