daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa inuu gaaro Magaalada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud.
Shalay Magaaladaan waxaa gaaray wafdi uu hogaaminaayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad iyo xubno ka tirsan Guddiga farsamada Maamul usameynta Gobolada dhexe ee dalka.
Wafdiga shalay gaaray Magaalada Dhuuso Mareeb, ayaa la sheegayaa inay hour dhac u yihiin wafdiga Madaxweynaha ee maanta lagu wado inay gaaraan Magaalada Dhuuso Mareeb.
Ujeedada safarka Madaxweynaha ayaa la sheegay inay tahay inuu qanciyo beelaha ku shiraya Magaalada Dhuuso Mareeb ee shirka dib uheshiisiinta halkaasi uga socda.
Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay inay socoto qaban-qaabada ku aadan safarka Madaxweynaha ee Degmada Dhuuso Mareeb.
Magaalada Dhuuso Mareeb waxaa ku shirsan ergo ka socota 8-beelood oo ka shireysa dib uheshiisiinta Beelihii ku dagaalamay Gobolka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:13 and have
, Published at