Ra’iisul Wasaaraha oo ka qaybgalay Martiqaad ka dhacay Xeebta liido (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qaybgalay Martiqaad ka dhacay Xeebta liido (Sawirro)

daajis.com:- Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta ka qaybgalay qado sharaf uu ku marti qaaday Imaan Maxamed Yuusuf Islow. Kulan kaas qadada ah waxa uu ka dhacay hoteelka Beach Veiw oo ku yaala xeebta Liido.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey qaban qaabiye-yaasha qadada, sida wanaagsan ee ay usoo dhaweyeen martida isigu timid qadadaan, isagoona ku tilmaamay iney muujinayso ka soo qaybgalkeedu ka miro dhalinta dadaalada lagu doonayo in lagu walaaleeyo dadka Soomaaliyeed.


“Waxaa hada muuqta rajo wanaagsan oo muujinaysa in dadka Soomaaliyeed ay doonayaan iney badalaan dhaqankii waayahaan danbe kala fogeeyey Soomaalida oo ahaa in qofba deegaankiisa iska joogo, waxaa hada hortayda fadhiya madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, waxayna tani tusaale u noqon doontaa in martiqaad kan la mid ah lagu qabto gobolada kala duwan ee dalka, loona wada hadlo si Soomaalinimo ah.” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha.

“War-murtiyeedkii maanta soo baxay waxaa laga dheehan karaa in si wada jir ah loogu wada istaago sidii dalka loo gaarsiin lahaa higsiga 2016, taas oo qof walba oo Soomaaliyeed uu rajaynayo inuu arko Soomaaliya oo ay ka dhacdo doorashooyin xor ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada