daajis.com:- Dowlada Islaamka (IS) ayaa sheegay in gabar Maraykan ah oo ay afduub u haysteen ay ku dhimatay duqeyn ay ciidamada Jordan u geysteen xarumaha IS ee dalka Siiriya.
Warbixin ay soo saareen IS ayaa waxa ay ku sheegeen in gabadhan ay ku dhimatay duqeyn ka dhacday magaalada xarunta u ah IS e Raqqa.
War ay soo saartay dowlada Maraykanka ayaa lagu sheegay inaysan xaqiijin karin sheegashadan balse ay baaritaan ku sameyn doonto.
IS ayaa soo bandhigay sawiro ay ku sheegeen xarunta la weeraray balse ma jiro wax cadeyn ah oo madax banana ah. Xukuumada Jordan ayaa sheegtay in ay duqeyn ka geysatay gudaha dalka Siiriya iyagoo uga aargudaya dilkii loo geystay duuliye Macaad.
Haweeneydan Maraykanka ah Kayla Jean Mueller oo 26 jir ah ayaa ah qofkii ugu dambeeyay ee Maraykan ah oo gacanta ugu jiray ururka IS waxana uu ururku uu dalbanayay sii deysmada gabadhan lacag dhan $6.6 million.
Ms Muller ayaa ka qallin jebisay jaamacada Northern Arizona waxayna markii ugu horeysay gaartay xadka wadamada Turkiga iyo Syria sanadkii 2012 iyadoo qaxootiga ka shaqeyneysay.
Hase yeeshee waxaa laga afduubtay Aleppo dalka Syria sanadkii 2013. Haddii la xaqiijiyo dhimashadeeda waxa ay noqonaysaa qofkii 4aad oo Maraykan ah oo ku dhinta gacanta IS, hore ayaa labo saxafi James Foley iyo Steven Sotloff iyo Peter Kassig oo u shaqeynayay hay’ad samafal waxaa gowracay ururka IS.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 09:00 and have
, Published at