Daawo Sawirada:- Ururka Boko Haram oo weeraray magaalada Bosso ee dalka Niger

Daawo Sawirada:- Ururka Boko Haram oo weeraray magaalada Bosso ee dalka Niger

daajis.com:- Kooxda Islaamiyiinta ah ee ka dhisan dalka Nigeria Boko Haram ayaa markii ugu horeysay weerartay magaalo ku taal dalka Niger ee deriska la ah wadanka Nigeria.

Sida ay dad goobjoogayaal ah sheegayaan kooxdan ayaa weerartay magaalada Bosso waxana ay noqonaysaa wadankii labaad ee deris la ah Nigeria oo ay maalmo gudahood weerar ku qaadaan. Weerar ay qaadeen maleeshiyaadka Boko Haram magaalada Fotokol ee dalka Cameroon Arbacadii aynu ka soo gudubnay ayaa waxa ay ku dileen 70 ruux.

Tan iyo markii la aasaasay ururkan oo uu bilaabay kacdoonka ka dhanka ah xukuumada Nigeria waxaa weeraradii iyo qaraxyadii ay qaadayeen ku dhintay kumanaan ruux halka ay inkabadan hal malyan oo uux ay ka barakaceen deegaanaoodii lixdii sano ee ugu dambaysay.

Maleeshiyada Boko Haram waxa ay maamulaan dhul ballaaran oo ku yaal Waqooyi Bari Nigeria, wadamada deriska la ah Nigeria ayaa dhowaan ballanqaaday inay ciidamo u soo dirayaan si ay gacan uga geystaan la dagaalanka ururka Boko Haram, hase yeeshee Boko Haram ayaa hadda bilowday inay weerarto wadamadaas.

Guddoomiyaha gobolka Diffa ee deris la ah magaalada Bosso ayaa sheegay in Islaamiyiinta dib loo riixay kadib markii ay isku dhaceen ciidamada Nigeria. Mr Gaoh waxa uu sheegay in qasaaraha ka dhashay iskahorimaadkan aan la garanayn balse waxa uu intaa ku daray in uu rumeysan yahay in dad rayid ah aysan wax soo gaarin.

Wararka waxa ay intaa ku darayaan in Boko Haram ay aroortii horeba ay weerartay Bosso iyadoo isticmaalaysa hub culus iyo kuwo fudfududba waxayna taasi sababtay in dadku ay magaalada ka cararaan kuwii aan carari waayayna ay miciin bidaan inay guryahooda isku soo xiraan.

Magaalada Bosso ayaa waxa ay hoy u tahay kumanaan ruux oo ka soo cararay dagaalada ka socda gobolka Borno ee dalka Nigeria. Boko Haram ayaa haatan waxa uu u hanjabayaa dalalka Chad,Niger iyo Cameroon waxayna ku qasabtay dowlada Chad inay xadkeeda geyso ciidamo gaaraya 2,500 oo askari.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada