Maxay tahay sababta uu Mohamed Salah u doortay lambarka (74) ee funaanadda Fiorentina?

Maxay tahay sababta uu Mohamed Salah u doortay lambarka (74) ee funaanadda Fiorentina?

daajis.com:- Laacibka cusub ee kooxda Fiorentina ee Waddanka Talyaaniga Mohamed Salah ayaa lagu sharfay funaanadda Lambarka 74 ee kooxdaasi isagoo xusay in uu jecel yahay in uu si dhaqso ah ula qabsado naadiga.

Mar la weydiiyay Xidiggii hore ee Khadka Dhexe ee Chelsea Salah sababta uu Lambarka 74 u xushay ayaa waxa uu yiri “Waxaan lambarkaasi u doortay in aan ku xasuusto 74-kii qof ee ku dhintay Dhacdadii garoonka Port Said ee Masar”.

01 Febraayo 2012 ayaa waxaa garoonka Port Said ee Masar isku weeraray taageerayaasha labada kooxood ee Al Ahly iyo Al Masry oo ciyaarayay kulan ka tirsanaa Horyaalka Kubadda Cagta dalkaasi,waxaana kaddib taageerayaasha El Masry ay tooreeyo, dhagax iyo dhalooyin ku weerareen kuwa Al Ahly iyadoo halkaasi ay ku geeriyoodeen 74 qofood halka 500 ay ku dhaawacmeen.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada