R/wasaare Sharma’arke oo ka digay khilaaf dowladisa lagu rido oo dib u dhiga qorshaha 2016-ka

R/wasaare Sharma’arke oo ka digay khilaaf dowladisa lagu rido oo dib u dhiga qorshaha 2016-ka

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ka digay khilaaf mar kale soo noqda Madaxda Dowladda uu caqabad caqabad u ku keeni karo qorshah hiigsiga sanadka 2016 ee la doonayo in dalka doorasho ka dhacdo.

Cumar C/rashiid oo dalka Canada ugu qeyb galay aaska hooyadiis ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ka go’ an tahay in dalka la gaarsiiyo horumar iyo sidii ay u dhici laheyd doorasho marka la gaaro sanadka 2016-ka hadii aysan imaan caqabad dib u dhigta.

Rw-cumar“Waqtiga waa yar yahay qorshaha miiska noo saaran waxa weeyaan sida lagu gaarsiin karo dalka doorasho sanadka 2016, hadii aan caqabad dhexdeena ka imaan waa gaarsiin karnaa”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay idaacada VOA.

Mar la weydiiyay Ra’iisul Wasaaruhu in qaar ka mid ah Wasiiradiisa ay siyaasada ku cusub yihiin, ayuu tilmaamay in xilalka kaliya ku cusub yihiin, balse ay ahaayeen dad siyaasada xog ogaal u ahaa sida uu yiri.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in meel wanaagsan ay mareyso qorshaha maamul u sameynta Gobolada Dhexe, isagoo tilmaamay inay ku xigto maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

a’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo labo jeer oo hore soo magacaabay Gole Wasiiro, balse Baarlamaanka ka gudbi waayay ayaa ugu dambeyn 9-kii bishan Xukuumad dhameystiran oo uu dib ka soo dhisay kadib ay heshay codka kalsoonida Baarlamaanka.

Marka la fiiriyo waqtiga dowladda u harsan oo ah mid aad u yar ayaa suuragal ka dhigeyn in lagu dhiirado doorasho ay shacabka ka qeyb qaataan, iyadoo Dowladda ay horyaalaan howlo fara badan oo u baahan in la geliyo waqti dheeri ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada