R/wasaarihii hore oo loo doortay hoggaamiyaha xisbi siyaasadeed: SAWIRRO

R/wasaarihii hore oo loo doortay hoggaamiyaha xisbi siyaasadeed: SAWIRRO

daajis.com:- Ra’ iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa loo doortay Hoggaamiyaha xisbi siyaasadeed oo la magac baxay Midnimada Dimoqraadiyada Soomaaliyeed.

Kulan labadii maalmood ee la soo dhaafay u socday Siyaasiyiin, Xildhibaano, Aqaanyahano iyo qeybaha bulshada oo maanta lagu soo gabagabeeyay ayaa waxaa kasoo baxay in la dhiso madashaasi oo ay ku mideysan yihiin kudlooyinka baarlamaanka iyo siyaasiyiin siyaasad ahaan kasoo horjeeda nidaamka Dowladda Federaalka u shaqeyso.

Madasha Midnimada Dimoqoraadiyada Soomaaliyeed ayaa Gudoomiye loogu doortay Raiisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed, waxaa Gudoomiye ku xigeen 1 aad loo doortay Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdulaahi ( Baadiyow) ku Xigeenka 2aad Xuseen Carab Ciise , Gudoomiye ku xigeenka 3aad Dr Cabdishakuur Shiikh Xasan Fiqi , halka Xoghayaha Guud loo doortay Dr Cali Maxamed Maxamuud ( Cali Xareed ).


Gudoomiyaha Madasha Midnimada Dimoqoraadiyada Soomaaliyeed Dr Cabdiweli Shiikh Axmed oo gaba gabadii khudbad ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in Madashu aysan cidna Cadow ku ahayn, isla markaana wixii wanaag ah ay kula shaqeynayaan dowladda Soomaaliya, hadii ay ahaan laheyd wixii tallo iyo naseexo ah.

Ugu dambeyntii waxaa hadalo kooban ka jeediyay kulanka, xubnihii la doortay, waxayna dhamaantood ka sinaayeen in Madasha Midnimada Dimoqoraadiyada Soomaaliyeed ay ku hogaamin doonaan si Soomaalinimo iyo Cadaalad , sidoo kale waxay sheegeen in Madasha ay u furan yihiin Mawaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan laguna soo dhaweynayo Gacmo Furan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada