Wasiirka cusub ee amniga dalka oo xilka si rasmi ah ula wareegay (Sawirro)

Wasiirka cusub ee amniga dalka oo xilka si rasmi ah ula wareegay (Sawirro)

daajis.com:- Wasaaraddaha cusub ee dalka ayaa billaabay inay si rasmi ah u tagay xafiisyada ay ku shaqeynayaan,iyagoo xilka kala wareegaya wasiirradii hore ee hoggaaminayay.

Wasiirka cusub ee amniga gudaha,Cabdirisaaq Maxamed Cumar ayaa xilka kala wareegay wasiirkii hore ee amniga Jen. Khaliif Axmad Erag,kaddib munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho.

Xil wareejinta oo lugu qabtay wasaaradda amniga waxaa ka qayb-galay guddiga uu R/wasaaruhu u saaray la socodka xil-warejinta iyo marti kale ayuu xilkiisa kula wareegay wasiirka cusub ee wasaaraddaas.

Wasiirka hore ee amniga qaranka Gen. Khaliif Axmed Ereg ayaa tilmaamay in wax badan ay u qabsoomeen wasaaradda muddadii uu xilka hayay, isagoo maamulka iyo shaqaalaha wasaaradda u mahad celiyay kana codsaday inay si wanaagsan ula shaqeeyaan wasiirka cusub.

Mudane Cabdirisaaq Maxamed Cumar ayaa u mahad celiyay wasiirkii hore, isagoo tilmaamay inay horay u sii wadi doonaan shaqooyinkii socday, ayadoo loo howl gali doono sidii loo horumarin lahaa ammaanka muwaadininta Soomaaliyeed.

R/wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa dhawaan sameeyay guddi ka kooban dhow wasaaradood iyo xafiiska hanti dhowraha qaranka, si ay u fududeeyaan goob joogna uga noqdaan xil wareejinta wasiiradii xukuumaddii hore.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada