Erdogan oo Obama Ku eedeeyay in uusan ka hadlin dilkii Ardayda Muslimiinta (VIDEO)

Erdogan oo Obama Ku eedeeyay in uusan ka hadlin dilkii Ardayda Muslimiinta (VIDEO)

daajis.com:- Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa ku canbaareeyey madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama aamusnaanta uu ka aamusay dilkii loo geystey saddex dhallinyaro muslimiin ah oo lagu dilay gobolka North Carolina.

Erdogan oo uu garab-taagnaa madaxweynaha Mexico, Enrique Peña Nieto oo booqasho rasmi ah ku jooga Turkiga ayaa xusay in aamusnaanta Barack H. Obama, ku xigeenkiisa, Joe Biden iyo xoghayihiisa arrimaha dibadda, John Kerry ay muujinayso halka ay ka taagan yihiin ficillada caynkan oo kale ah.

“Haddii aad ka aamustaan ficillada noocan oo aysan bayaan kasoo saarin, adduunkuna waa idinka aamusnaan doonaa;” ayuu yiri Erdogan oo dilkan ku tilmaamay mid dunida oo dhan ay ka argagaxsaday.

Saddexda ruux ee dhallinyarada ah oo ahaa qoys ayaa waxaa gobolka North Calorina loogu geystay ayaa lagu kala magacaabi jiray; Deah Shaddy Barakat xaaskiisii, Yusur Maxamed iyo walaasheed Razan Max’ed Abu-Salha.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada