Wasiirkii Cadaaladda iyo Dastuurka Faarax C/qaadir oo maanta wareejiyay xilalkii Wasaaradahaas (Sawirro)

Wasiirkii Cadaaladda iyo Dastuurka Faarax C/qaadir oo maanta wareejiyay xilalkii Wasaaradahaas (Sawirro)

daajis.com:-  Wasiiradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Gen. C/llaahi Axmed Jaamac (Ilka-jii) iyo Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen, iyagoo labadan Wasiir shaqada kala wareegay Mudane Faarax Sheekh C/qaadir oo isku hayay labadan wasaaradood.

Munaasabadan oo ahayd mid si wanaagasan loo soo diyaariyay waxaa goob joog ka ahaa Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Maxamed Cumar Carte iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, wasiiro ku xigeenno, Wasiiro Dowlayaal, Safiiro Soomaaliyeed, iyo shaqaalaha kala duwan ee labada wasaradood, bahda saxaafadda iyo marti sharaf kale.

Labada wasiir waxay ka Gudoomeen Wasiir Faarax Sheekh C/qaadir Doucument-ga wax qabadkii iyo horumarkii uu ku talaabsaday intuu hayay xilalkan, waxqabadkaas oo lagu soo bandhigay muuqaal iyo qoraallo badan, labada wasiir ee cusub iyo wasiirkii hore waxay kala saxiixdeen warqadii kala wareegista shaqada qaranka.

Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysay oo uu ka jeediyay Munaasabada ayaa waxaa uu u mahad celiyay shaqaalaha labada wasaaradood, isagoo ku amaanay sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibka ka saaran shaqada Wasaaradda.

Sidoo kale waxaa soo bandhigay waxqabdkii Wasaaradda sanadkii lasoo dhaafay, gaar ahaan, meel marinta xeerka Golaha Garsoorka qaranka, dhisida Guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka qaranka, hawl galinta shaqaalo tayo iyo aqoon durugsan u leh hawlaha wasaaradda, bilicda xarunta wasaaradda oo isbadal lagu sameeyay inta uu shaqada hayay sanadkii lasoo dhaafay, tababarida shaqaalaha, qalabaynta xafiisyada wasaaradda, dayactirka xarunta wasaaradda, bulshada oo laga qayb galiyay hirgalinta laamaha garsoorka, iyo waxqabadka wasaaradda oo markasta laga soo bandhigaayay warbaahinta qaybaheeda kala duwan.

Waxaa uu sidoo kale u mahad celiyay Beesha caalamka oo uu yiri waxay ka qayb qaateen dibu dhiska laamaha cadaaladda, gaar ahaan Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub, Turkiga, Sweden, Hay’adaha UN iyo dawlado kale.

“Hirgelinta Cadaaladda waxay mas’uuliyad ka saaran tahay dhamaan ummadda Soomaaliyeed, waxaa laga rabaa qeybaha bulshada inay ka qeyb qaataan sidii dalka Soomaaliya looga hirgelin lahaa cadaalad waarta iyo nabadgelyo horseeda midnimo iyo sinaan”ayuu yiri Faarax Sheekh C/qaadir.

Sidoo kale waxaa munaasabaddan waxaa khudbado ka jeediyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Cadaaladda Jen, C/llaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir), wuxuuna u mahad celiyay wasiirkii hore iyo shaqaalaha wasaaradda, isagoo balanqaaday in uu hawsha meeshii ay ku istaagtay uu ka sii wadi doono, kana faa’iidasan doona khibradda baaxadda waynee uu meesha ugu yimid.

Dhinaca kale waxaa munaasabada ka hadlay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen, isagoo u mahad celiyay wasiirkii hore ee wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha dastuurka Mudane Faarax Sheekh C/qaadir, wuxuu balan qaaday in tix galinta koobaad uu siin doono arrimaha Dastuurka lana shaqayn doono gudiga madaxa banaan ee dibu eegista iyo qoridda Dastuurka, wuxuuna farta ku fiiqay in dastuurku uu noqo doono mid ka turjuma dhammaan ummdda soomaaliyeed.

Ugu danbayntii waxaa munaasabadda soo xiray Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Maxamed Cumar Carte, wuxuuna ku tilmaamay wasiirkii hore shaqada uu wasaaradda ka qabtay inta uu joogay tusaale wanaagsan in ay u tahay dhammaan wasaaradaha kale ee qaranka.

Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in sanadkan la dhameystiri doono dastuurka, isla markaana uu la jaan qaadi doono laamaha garsoorka, maadaama dastuurka uu sal u yahay laamaha garsoorka iyo xeerarka dalka ka jira.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada