Aqriso:- Nin ka mid ah aasaasayaashii ururka Al-Qaacida haatana la shaqeeya sirdoonka Britain

Aqriso:- Nin ka mid ah aasaasayaashii ururka Al-Qaacida haatana la shaqeeya sirdoonka Britain

daajis.com:- Aymen Diin oo ka mid ahaa xubnihii aasaasay Ururka Alqacida ayaa 1998tii waxaa uu noqday basaas ka tirsan Ciidamada Amaanka ee Britain iyo ciidamada sirta ee MI5 iyo MI6.

Ayman Diin ayaa wareysi uu bixiyay waxaa ku sifeeyay sanadadii uu ka shaqeenayay Afqanistaan iyo London isagoo ahaa qofka ugu muhiimsan dagaalka ka dhanka ah Islaamiyiinta xag jirk ah.

Mr. Diin ayaa waxaa uu ku koray dalka Sacuudi Carabiya.

Ayman ayaa waxaa uu ahaan nin dhalin yaro ah markii uu dalka Yugoslafiya uu kala burburayay, markaas oo Bosniyiinta Muslinka khatar xoog leh ku hayeen Serbiyiintu.

Ayman iyo saaxiibkiis Khalid Al Xaaj oo mar danbe noqday hogaamiyaha Alqaacida ee dalka Sacuudi Arabiya ayaa kuwada biiray mujaahidiinta.
Waxaa uu sheegay Ayman in ay waayo arignimadii ugu weyneyd ee uu ebed helo ay aheyd ku biirida ururkaasi.

Markii uu sacuudiga ka tagay waxaa uu howlgalkiisii ugu horeeyay uu ka bilaabay buuraha Bosniya. Waxaa uu tababar Militari la qaatay dad ka kala yimid dalal kala duwan, waxuuna sheegay khibrada iyo aqoonta uu helay waxay aheyd mid aan lagu heli karin kun sanadood.



Colaadii Bosniya markii ay damaaneysay ayaa waxaa uu arkay Ayam in uu isbedel ku dhacay saaxiibadiisii ka dhanac dagaalamayay kuwii bedbaaday, waxay noqonayeen dad ka soo horjeeda Reer Galbeedka iyo wixii uu u taagnaan.

Ayman ayaa sheegay in lagu casumay magaaladda Khadahaar si uu ugu biiro Al qaacida uuna la kulmo shaqsiyan Usama bin Ladin.

Waxaa uu ku sugnaan Ayman xero tababar oo ku taala dalka Afqanistan markii safaaradihii uu Mareykanku ku lahaan Kenya iyo Tanzaniya la weeraray sanadkii 1998dii.

Mr. Diin ayaa waxaa uu sheegay in uu daweyn u aaday dalalka Gacanka, waxuuna go'aansaday in uusan mar danbe ku noqon.

Bedelkeedii waxaa uu is arkay isagoo ku jira gacanta ciidamada sirta MI6, markaasi waxaa uu jihaadka howshiisa ku jiray in ka badan afar sanadood, waxaana uu tagay magaaladda London halkaaseyna ka bilaabtay in uu macluumaad bixiyo.

Waxaa uu gacan ka geystay in Reer Galbeedku in ay si weyn u fahmaan ururadda xag jirka ah.

Waxaa uu Ayman shaqsiyan yiqiinay cid walba Usama Bin Laden, Khalid Sheikh Mohamed iyo Abu Zubeida. Todoba bilood markii uu macluumaad bixiyay ugu danbeyntii waxaa uu go'aansaday in uu ciidamada Sirta ku biiro.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada