daajis.com:- Gudbi Qalabka dhagaysigaCaawin Qalabka dhagaysigaWaad ka baxday Qalabka dhagaysiga, guji Enter ama Tab si aad u sii wadato.
null
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa u sheegay congresska Mareykanka in heshiis la xiriira nukliyerka lagala hadlo Iiraan inay wadada u xaareyso inay hesho hub atoomik ah.
Mr Netanyahu ayaa sheegay in iiraan ay sii ahaaneyso cadowga Mareykanka, ayna halis ku tahay bariga dhexe.
Hadalka wuxuu ahaa kii looga bartay Netanyahu. Waxa uu isku qasay siyaasadda cabsida iyo tan geesinimada.
Iiraan waxa ay galaalgal ku leedahay arrimaha bariga dhexe, gaar ahaan dagaalada Suuriya, Ciraaq, Yaman iyo qalalaasaha Lubnaan, taas oo cabsi gelineysa Israa’iil oo aan dooneyn in waxyeello ay gaarto qof yahuud ah.
Mr Netanyahu waxa uu tilmaamay in caalamka ay tahay inuu si wadajir ah ugu istaago joojinta wax uu ugu yeeray Jahwareerka, sundullada iyo argagixinta Iiraan iyadoo taasi ay ahayd midda uu aadka uga digayay.
Gudbi Qalabka dhagaysigaCaawin Qalabka dhagaysigaWaad ka baxday Qalabka dhagaysiga, guji Enter ama Tab si aad u sii wadato.
null
Balse madaxweyne Obama ayaa sheegay in aysan jirin xal lagu dabakhi karo hadalka Netanyahu uu u jeediyay aqalka congresska ee Mareykanka.
Mr Obama ayaa intaa ku daray, haddaan Iiraan lala heshiin inay suuragal tahay inay dardar geliso barnaamijkeeda nukliyerka.
Khudbadda Netanyahu waxa ay ahayd mid buuq badan dhalisay, sababtoo ah, afhayeenka xisbiga Jamhuuriga ayaa casuumay asigoo aan ku wargelin xisbiga dimuquraadiga iyo aqalka cad.
Doorashoyiinka guud ee Israa’iil ayaa la qabandoonaa laba isbuuc kaddib.
Laakiin dadka dhalleeceeyay hadalka Netanyahu waxa ay sheegayaan in arrintan uu uga faa’ideysanaayo dano siyaasadeed, oo tan ugu horeyso ay tahay inuu markale noqdo Ra’iisul wasaare, tan labaadna, inuu xoojiyo taageerada Jamhuuriyiinta Mareykanka si uu u daciifiyo xiriirka taariikhiga ah ee Yahuudda ay la leeyihiin xisbiga Dimuquraadiga.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 21:30 and have
