Daawo Sawirada:- Al Shabaab oo soo bandhigay Sawirada Weerarkii Mpeketoni ee Dalka Kenya

Daawo Sawirada:- Al Shabaab oo soo bandhigay Sawirada Weerarkii Mpeketoni ee Dalka Kenya

daajis.com:- Ururka Al Shabaab ayaa maanta soo bandhigay Sawirro muujinaya qaabkii ay ufuliyeen weerarkii ay ku qaadeen deegaanka Mpeketoni oo wax yar u jirta Magaalada Caanka ah ee Lamu ee dalka Kenya.


Ciidamo ka tirsan Shabaab oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib ayaa fuliyay weerarkaasi sida ka muuqata sawirrada ay Shabaabka soo bandhigeen.


Weerarka deegaanka Mpekatoni wuxuu dhacay 16-kii June sanadkii 2014, Shabaab ayaa gubay guryo ku yaalay deegaankaasi oo ay dab qabadsiiyeen, markii ay laayeen dad u badnaa Kenyatti halkaasoo ay ku dileen dad gaaraya 65-ruux.

Warbaahinta Shabaab ee soo bandhigtay Sawirradan, ayaa sheegtay in ciidamada Shabaab ay si wanaagsan ugu dhex socdaalayeen deeganada ku dhaw Mpeketoni ee ay weerarka ka fuliyeen.

weerarkan waxa uu ka mid ahaa weerarada ugu khasaaraha badan ee ka dhacay dalka Kenya oo ay geysteen Shabaab.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada