Wafuudii dowladda Soomaaliya iyo Somaliland oo maanta dib ugu laabanaya Muqdisho iyo Hargeysa

Wafuudii dowladda Soomaaliya iyo Somaliland oo maanta dib ugu laabanaya Muqdisho iyo Hargeysa

daajis.com:- Wafuudii dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland u kala dirsadeen wada hadalka Istanbul ayaa maanta dib ugu laabanaya Muqdisho iyo Hargeysa, kadib markii uu fashilmay wada hadalkii labada dhinac dhex mari lahaa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdirixhman Maxamed Xuseen Odawaa  iyo Xildhibaan Dhuxulow

Labada Wafdi ayaa diyaarado kala gaar ah waxay ka qaadi doontaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, iyadoo dhinac kastana uu dib kula laabanayo madaxda labada dhinac waxyaabihii ay kala kulmeen Istanbul intii ay joogeen.

Wafdiga Maamulka Somaliland ayaa ka dalbaday dowladda Federaalka in wada hadalka laga saaro xubno ay sheegeen inay ka soo jeedaan deegaanada Somaliland, iyadoo dalabkaas ay ku gacan seyreen wafdigii dowladda Federaalka ka socday.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in sababta uu shirka u qabsoomi waayay ay tahay shuruud ay la yimaadeen Ergada Somaliland, taasoo uu ku tilmaamay in aysan munaasib aheyn.

“Waxaa keenay inuu shirku qabsoomi waayo shuruud ay la yimaadeen Ergada Somaliland, runtii waxaa u aragnaa inuu munaasib aheyn, anagana aan waxba ka qaban karin, hadey wax tabanayaan waxay aheyd inta aanay Hargeysa ka soo bixin in arrinta jirtay in dalka intii la joogay lagu xaliyo, waa ka xunahay wax kasta oo dib u dhac ku yimaado danaha iyo aaya ka talinta Soomaaliya”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Maareeye.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada