C/qaadir Nadaara oo loo magacaabay afhayeenka Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Shiikh

C/qaadir Nadaara oo loo magacaabay afhayeenka Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Shiikh

daajis.com:- Saxafiga C/qaadir Maxamed Cashar Nadaara ayaa loo magacaabay in u noqdo afhayeenka madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

C/qaadir Maxamed Cashar Nadaara ayaa sheegay in uu xilkaasi u magacaabay Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan uu ku shaqeynayo isagoo u mahadceliyay Madaxweynaha Koofur Galbeed.

C/qaadir Nadaara ayaa ka soo shaqeeyay saxaafada gudaha iyo dibaddaba isagoo ka soo shaqeeyay idaacado iyo taleefishino kala duwan. Waxana magacaabistiisa ay ku soo beegantay iyadoo maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya dhowaan uu sheegay in uu ka saari doono ururka Alshabaab dhammaan deegaanada ka tirsan maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Saxafiyiinta dalka ayaa haatan waxa ay ku biirayaan siyaasada dalka iyadoo hore saxafiga Daa’uud Aweys uu dhowaan noqday afhayeenka madaxweyne Xasan Sheekh halka uu Ridwaan Xaaji Cabdiweli uu noqday afhayeenka ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.


Si kasta ha ahaatee saxafiga C/raxmaan Ceynte ayaa haatan ka mid ah golaha Wasiiraa dowlada Federalka Soomaaliya waxana uu hore ugaga soo shaqeeyay idaacado iyo taleefishin heer caalami ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada