daajis.com:- Taageere ka tirsanaa kooxda kubadda cagta ee Jeenyo, ayaa galabta ku dhintay rabshado dhex maray taageereyaasha kooxaha Banadir Sports Club iyo Jeenyo United...
oo ku ciyaarayay garoonka Banaadir Stadium ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.
Taageeraha ayaa dhintay kadib markii ay haleeshay xabbado uu furay mid ka mid ah ilaalada garoonka oo damacsanaa in uu kala celiyo taageereyaasha rabshadaha sameynayay.
Ciyaarta oo ka tirsaneyd horyaalka heerka koowaad, ayaa la joojiyay daqiiqaddii 85-aad, waxaana 2-1 ku hoggaamineysay kooxda Jeenyo.
Taageereyaasha ayaa markii dambe xoog ku galay gudaha garoonka, iyadoo ay kala carareen garsooreyaashii iyo wariyeyaashii ku sugnaa gudaha garoonka.
Guddiga tartamada ee xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa war kasoo saari doono natiijada ciyaarta.
Kooxaha Banaadir SC iyo Jeenyo ayaa ka mid ah kooxaha ugu adag ee horyaalka ka qeyb-galaya, waxaana labada koox oo ka wada dhisan degmada warta nabadda ka dhaxeeyo xifaaltan derisnimo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 21:30 and have

