daajis.com:- Ciidamada booliiska Dalka Mexico ayaa gacanta ku dhigay Mid kamid ah Hogaamiyaasha ugu sareeya Maafiyada Dalkaasi kana ganacsada Daroogada, kaa oo mudo badan qabashadiisa baadi goob xoogan ugu jireen Ciidamada.
Hogaamiyahan la qabtay oo katirsanaa kooxaha mafiyada ka ganacsada daroogada ee Dalka Mexico ayaa lagu magacabaa Omar Trevino Morales oo 41-sano jir ahaa, waxaana ninkan la sheegay in uu hogaamin jiray Kooxda Maafiyada ee loo yaqaan Los Zetas.
Omar Trevino Morales kooxda uu Hogaamiyaha u ahaa ayaa caan ku aheed kala gudbinta daroogada Dalalka Mexico iyo Mareykanka, waxa ay sidoo kale kooxdan caan ku aheed in ay dadka u dilaan si arxan daro ah.
Hogaamiyahan la qabtay oo sidoo kale loo yaqaamo (Z-42) , ayaa Hogaaminta kooxdan maafiyada ah qabtay sanadkii 2013-kii kadib markii Walaalkiis oo kooxdan Hogaamin jiray ay qabteen Ciidamada booliiska Maxico.
Dowlada Maxico ayaa horey madaxa ninkan u dul dhigaty lacag dhan 2 milyan oo Dollar oo lasiinayo cidii keenta xog lagu qaban karo, waxaa sidoo kale ninkan si weyn u baadi goobeysay Dowalada Mareykanka oo iyana madaxiisa dul dhigtay lacag dhan $5 Milyan .
Ciidamada Maxico ayaa Jimchii lasoo dhaafay waxa ay ku guuleesteen in ay qabtaan Hogaamiyihii ugu weynaa ee Maafiyada Dalka Mexico Servando “La Tuta” Gomez oo ahaa hogaamiyaha Mafiyada Knights Templar, waxa uuna ahaa Hogaamiyahan ninka loogu doon doonista badnaa Hogaamiyaasha Maafiyada ka jira Dalka Maxico.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:30 and have
, Published at