Qiso Qurux badan oo kudhacdey Madaxweynihi hore ee India Dr. Abdul Kalam

Qiso Qurux badan oo kudhacdey Madaxweynihi hore ee India Dr. Abdul Kalam

daajis.com:- Madaxweynihi hore ee India Dr. Abdul Kalam ayaa wuxuu yiri: “Waagi aan yaraa, Hooyadey ayaa cuntada noo karin jirtay. Habeen gaar ah ayay casho ay sameysay miiska u soo saartay Aabe. Waxay ahayd saxan subzi iyo Rooti aad u gubtay. Waxaan sugayay in uu ogaado oo wax ka yiraahdo. Laakiin Aabe wuu cunay rootigi wuxuuna I weydiiyay siduu ahaa School-keygi. Ma xusuusto waxaan u sheegay habeenkaa balse waxaan xusuustaa Hooyo oo Aabe ka raaligelinaysa rootiga gubtay, marna ma ilaawayo wixi uu ku yiri: “.

Gacaliso, waan jeclahay rootiga gubtay” Habeenkaa intaan Aabe dhunkaday ayaan weydiiyay inuu jecelyahay rootiga gubtay. Gacmihiisi intuu igu soo qabtay ayuu igu yiri: “Hooyadaa maanta oo dhan ayay si adag u shaqeynaysay, aad bayna u daalaneyd. Rooti gubtay cidna ma waxyeelo laakiin Erayada aadka u daran ee naxariis la’aanta ah ayaa waxyeelo geysta! .

Wiilkeygiyow Nolosha waxaa ka buuxa waxyaabo aan dhameystirneyn. Anigu ma ihi Qofka ugu wanaagsan, wax kastana ma aqaan. Waxbaan hilmaamaa marmar sida qof kasta oo kale. Waxa uu waayuhu i baray waa: In la aqbalo qof kasta ciladihiisa lana doorto in loo dabaaldego lana dhiirigeliyo xiriirka”.


Noloshu way gaaban tahay in aad hurdada ka toosto adigoo  oomameynaya. Jeclow dadka kuula dhaqma si wanaagsan, u naxariiso oo cafi dadka kuula dhaqma sida xun.

Ha ku deg-degin inaad qof dhaleecayso sababtoo ah ma sameeyo waxa aad sameyso ama uma fakiro sida aad u fakirto ama si dhaqso ah. Waxaa jirtay xilli adiguba aadan garaneyn waxa aad hada taqaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada