Daawo Sawirada Layaableh:- Dad mar hore dhintay oo sanadkiiba mar lasoo saaro kadibna...

Daawo Sawirada Layaableh:- Dad mar hore dhintay oo sanadkiiba mar lasoo saaro kadibna...

daajis.com:- Xaafada bizarre ee dalka Indonesia ayaa sanadkiiba mar waxaa laga sameeyaa xus layaab leh oo loo dhigo dadka geeriyooday waa hore kuwaas oo lafahooda laga soo bixinayo dhar loo geliyo, loo shanleeyo, barafuunno lagu buufiyo kadibna lagu celiyo xawaalahooda.

Xaflada ayaa waxa ay inta badan ka dhacdaa halka loo yaqaanno Toraja oo ah koofurta Sulawesi ,Meydadka ayaa marka lasoo bixiyo waxaa lagu tiiriyaa derbiyo iyada oo loo ekeysiinayo shaqsi taagan oo kale iyada oo ugu danbeynna godka lagu celiyo


Meydadka lasoo fagayo dadka waaweyn oo kaliya maaha ee caruurna waa ku jirtaa sida ka muuqaba sawiradaan lasoo bandhigay.

Sanaadiiqda lagu aaso dadka dhintay ayaa sidoo kale dib looga bedelayaa meydka iyada oo lala aasayo sanduuq cusub.

Xafladaan ayaa magaceeda waxaa loo yaqaan “Xaflada Dib u nadiifinta meydadaka” waxa ayna dhacdaa sanad kasta bisha Agoust.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada