Londan: Aabe Soomaaliyeed oo iska soo tuuray dabaq 12 biyaano ah

Londan: Aabe Soomaaliyeed oo iska soo tuuray dabaq 12 biyaano ah

daajis.com:- Aaabo Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo gaabiyay Cabdullaahi ayaa habeenkii Khamiista iska soo tuuray Dabaq 12 biyaano ah oo ku y aal xaafada Edmonton ee Waqooyiga Londan.

Aabahan Soomaaliyeed ayaa guriga uu iska soo tuuray waxaa kula noolaa Labo gabdhood oo uu dhalay, waxayna habeenkii uu is tuurayay ay dareemeen in Aabahood uusan caadi aheyn sida ay sheegeen in dad ku dhow gabdhahaasi, waxayna weydiiyeen aabahood waxa ku dhacay, balse wuxuu u sheegay in uu ay arki doonaan waxa uu ku mashquulsan yahay.

dabaqGabadha weyn ayaa markii uu iska tuurayay kusoo baxday iyadoo ay damacday in ay celiso, hase ahaatee uu kala tuuray, kadibna uu ka booday dariishada, waxaana uu ku dhacay balakoon hoose, markii loo tegayna oo Booliska ay yimaadeen la arkay inaysan wax naf ah ku jirin oo lafahiisa burbureen.

Ka hor inta uusan is tuurin wuxuu qoray warqad ku qorneyd afka Soomaaliga, taasoo aysan fahmin gabdhahiisa, hase ahaatee Booliska qaateen, waxayna diideen in ay sheegaan waxa warqada ku qorneyd, balse dib kasoo sheegi doonaan.


Warar laga helayo xaafada uu ku dhintay Aabahan Soomaaliyeed ayaa sheegaya in uu ku furnaa Stress, maadaama shaqo la’ aan baahsan ku haysatay Londan, lacagta uu qaatana ay aheyd mid aan kaafi karin, iyo kirida guriga oo qaali aheyd.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada