Dadkii ku dhaawacmay Weerarkii Hotel Central oo Maanta loo Qaaday Dalka Imaaraadka Carabta.+Sawirro

Dadkii ku dhaawacmay Weerarkii Hotel Central oo Maanta loo Qaaday Dalka Imaaraadka Carabta.+Sawirro

daajis.com:- Dowladda Soomaaliya ayaa saaka caafimaad dibadda ah u qaaday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii 20-kii bishii hore ka dhacay Hotelka Central ee magaalada Muqdisho.

Ilaa 13 ruux oo ka mid ahaa kuwii ugu cuslaa dhaawacyada ayaa labo diyaaradood ay ka qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyagoo loo qaaday dalka isu taga Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya iyo Wasiiradda Caafimaad ayaa dhaawacyada loo qaadayay Imaaraadka ku sii sagootiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana ay sheegeen in qaarkood ay ahaayeen kuwii ugu cuslaa.

Wasiiradda Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed ayaa sheegtay in dhaawacyadan la geynayo Isbitaal ku yaal dalka isu taga Imaaraadka Carabta, waxaana ay xustay in Xukuumadda Soomaaliya ay u dalabtay dadkan in xaalad caafimaad dibada loogu qaado, maadaama aan dalka wax looga qaban karin.




Sidoo kale Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in codsiyo ay u gudbisteen dalal kale si adeegyo caafimaad oo dibadda ah loogu qaado tiro kale oo caafimaad dibadda ah u baahan.

Qaraxii ka dhacay Hotel Central ayaa waxaa ku dhintay ilaa sodon ruux, halka kontan kalena ku dhaawacmeen, iyadoo qaraxyada ay ku geeriyoodeen Mas’uuliyiin, siyaasiyiin iyo dad kale oo masaajid ku yaala Hotelka ku dukanayay saaladii jimcaha.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada