Dowlada Soomaaliya oo Xukuno Ganaax Lacageed ah Ku Riday Wariyaal Mudo Dheer u xernaa.

Dowlada Soomaaliya oo Xukuno Ganaax Lacageed ah Ku Riday Wariyaal Mudo Dheer u xernaa.

daajis.com:- WariyeyaashaMaxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa ay xukun lacageed ku riday Afar wariye oo ka hawlgalayay Idaacaha Shabeelle, Sky iyo Risaala ee Magaaladda Muqdisho.

Dooda dacwada kadib iyo markii la dhageystay cadeymihii ay keeneen Qareenada ayaa kadib Gudoomiyaha Maxkamada waxaa uu riday xukunka.

Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Dr. Xaashi Cilmi Nuur ayaa sheegay in Maxkamada ay maanta dhageysatay dacwada loo heystay wariyeyaasha, isagoo xusay in lagu helay dhamaan dambiyadii lagu soo eedeeyay sida uu yiri.

Cabdi Maalik Yuusuf oo ah Milkiilaha Idaacaddaha Shabelle iyo SKY ayaa lagu xukumay $10,000 iyo Waqtigii uu xirnaa.

Axmed Cabdi Xasan oo Idaacada Shabelle ka tirsan ayaa isna lagu xukumay $500 iyo Waqtigii uu xirnaa.

Sidoo kale Maxamuud Carab oo ah agaasimaha Radio SKY ayaa isna lagu xukumay $2,000 iyo Waqtigii uu xirnaa.

Maxamed Cabdi Cali oo ka tirsan Risaala ayaa isna lagu xukumay $500 iyo Waqtigii uu xirnaa.


Dhinaca kale waxaa dib loo dhigay xukunka Wariyaha kale ee Maxamed Bashiir Xaashi oo ka tirsan Idaacada Shabelle.

Xukunkan ay riday Maxkamada ayaa noqonaya kii u horeeyay muddo kadib markii dhowr jeer maxkamada la soo taagay wariyeyaasha ka howl galayay Idaacada Shabelle iyo SKY, kuwaasoo muddo ku dhow todobo bilood xirnaa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada