DEG DEG: Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay Hotelka Maka Al-Mukarama

DEG DEG: Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay Hotelka Maka Al-Mukarama

daajis.com:- War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in qarax aad u xoogan uu ka dhacay Hotelka Maka Al-Mukarama, iyadoo qaraxa oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay laga maqlayay jugtiisa qeybo ka mid ah magaalada.

Wararka ayaa intaa ku daraya in uuro iyo qiic la arkayay, waxaana la maqlayaa rasaas dhaceysa, walina ma kala cada sida wax u jiraan.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in ragg hubeysan qaraxa kadib ay hotelka xoog ku galeen, balse wararkan ayaa ah kuwo aan si dhab ah loo xaqiijin karin, waxaana weerarkan uu ku soo beegmay, xilli galab ah oo Hotelka lagu qaxweeyo.

Goob joogayaal ku sugan wadada maka al-Mukarama ayaa sheegaya in qaraxa xoogiisa uu ka dhacay dhabarka dambe ee Hotelka, balse wali ma aanu xaqiijin warkaas.


Hotelka Maka Al-Mukarama ayaa tiro dhowr jeer ay ka dhaceen qaraxyo, waxaana u dambeeyay qarax todobaadyo ka hor ka dhacay dhabarka dambe ee hotelka, kaasoo uu khasaarihiisa ahaa mid aad u koobnaa.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada