daajis.com:- Ciidamada DF ee ku sugan Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubada Hoose, ayaa gacanta ku dhigay rag ajaanib ah oo doonayay ineey ku biiraan kooxda Alshabaab.
Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay ilaa 6 ruux oo isugu jira kuwa ku biiri rabay Al-Shabaab oo ahaa labo u dhalatay Tanzanian labo Kenya iyo labo Soomaali, kuwaasoo qaarkood gudaha Dhoobley laga qabtay.
Col. Heybe Axmed C/llaahi, Taliyaha ciidamada dowladda ee degmada Dhoobley ayaa Warbaahinta Muqdisho u sheegay in labada nin ee u dhashay Tanzania, ayna wateen warqado ay ugu qornaayeen deegaanada ay ku wajahnaayeen ee ay joogaan Al-Shabaab.
“Waxaa qabanay labo nin oo dhalinyaro Tanzanian ah oo ka soo tallaabay xuduuda, ilaa 20-KM ayay dhanka Shabaab jiro u sii socdeen, nimankaas gacanta ku heynaa, waxaa jira nin Kenyan ah oo Dhoobley baabuur kaga degay, isagoo Kenya u socday, ciidanka ka shakiyay wuu cararay, waana la qabtay”ayuu yiri Col. Heybe Axmed C/llaahi.
Waxa uu sheegay sidoo kale, in ruux kale oo raashin ka soo doonay Dhoobley, si uu ugu geeyo dagaalayahanada duurka ku jiro ay ciidamada qabta, waxaana uu tilmaamay in dhamaan dadkaas ay xabsiga dhigeen sida uu yiri.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:00 and have
, Published at