War Cusub:- Amiirka Alshabaab oo isku day dil ka badbaaday

War Cusub:- Amiirka Alshabaab oo isku day dil ka badbaaday

daajis.com:-  Amiirka ugu sareeya kooxda Alshabaab Axmed Diiriye, oo Alshabaab looga dhex yaqaan (Abuu Cubeyda) ayaa lagu soo waramayaa, inuu ka badbaaday isku day dil.

Shirqoolkan fashilmay, ayaa waxaa fulin rabay wiill uu adeer u yahay amiirka, balse katirsan garabyada ka gadoodsan amiirka.


Sarkaal magaciisa ku sheegay Anas Abuu Asma, kana tirsan kooxda Alshabaab, ayaa bartiisa Twitterka, kusoo qoray qoraal uu ku leeyahay.

“Geerida Godane waa mid na saameysay, waxa uu ku baxay gacanta reer galbeedka, balse waxaa ii muuqata in Axmed Diiriye uu sababsan doono gacanta kooxda Alshabaab”.

“Geerida waa xaq, Axmed Diiriye waxa uu dhamaysan doonaa noloshiisa inta uu alle u qadaray, Noloshiisa waxa ay kurbo ku haysaa saraakiil farabadan oo caqabad ku ah jihaadka, waana aragnaa in qorsheynta dilkiisa uu gaaray heer caruurtiisa loo adeegsado” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada