daajis.com:- Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya ayaa baaritaan ku sameynaya sababihii ka dambeeyay in diyaarada Kenya Airways ay diido inay soo qaado Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, kaasoo ku soo jeeday magaalada Nairobi.
Diyaarada Kenyan Airways ayaa diiday codsi uga yimid Madaxweynaha Uganda oo ahaa inay ka soo qaado gurigiisa oo ku yaala galbeedka Uganda.
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo ka qeyb geli lahaa shir Madaxda Gobolka uu isugu yeeray Madaxweynaha Kenya 20-kii bishii hore, ayaa waxaa markii dambe soo qaaday Diyaarada Ethiopian Airways,
Arrintan ayaa durbaba dhalisay muran weyn, markii ay soo shaac baxday warka ah in diyaarada Kenyan Airways ay diiday inay Nairobi u soo qaado Madaxweynaha Uganda.
Guddiyada Baarlamaanka ee arrimaha Dibada iyo Difaaca Kenya ayaa kulamo is-daba joog ah ka lahaa arrintan, iyagoo baaraya waxa keenay in Shirkadda Diyaaradaha ee Kenya ay diido codsiga Madaxweynaha.
Shirkadda Kenyan Airways ayaan wax war ah ka soo saarin iyo sababtii ay u diiday codsiga Madaxweynaha Uganda ee ahaa inay ka soo qaado galbeedka Uganda.
KenyaAirways
Warbaahinta Uganda ayaa qoreysa in diyaaradii Madaxweynaha Uganda u soo qaadi laheyd Nairobi ay ku socotay dayactir.
Arrintan ayaa loo arkaa mid dhaawac weyn ku noqon karta xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Kenya iyo Uganda oo ah labo dal oo deris ah, iyadoo labada dal ay Ciidamo nabad ilaalin ka joogaan Soomaaliya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:41 and have
, Published at