daajis.com:- Madaxa ururka Ikhwaanul Muslimiinka ee dalka Masar ayaa waxaa lagu xukumay xukun dil toogasho ah, kadib markii lagu eedeeyay inay abaabulayeen weerar ka dhan dowladda.
Hogaamiyaha Ururka Ikhwaanka ee dalka Masar Mohamed Badie, ayaa waxaa lala xukumay 13- kale oo ka tirsan Ururkaasi, kuwaasi oo maxkamada ay isla waqtigaas ku dhawaaqday xukunkooda.
Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa laga mamnuucay dalka Masar kaddib markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii sida Dimuqoraadiyada lagu doortay ee dalkaasi Maxamad Mursi.
Hogaamiyaha ururka Mohamed Badie iyo qaar kale oo ka tirsan Ikhwaanka dalka Masar ayaa waxa ay ku jiraan xabsi, iyaga oo kuligood lagu eedeeyay abaabulka weeraro ka dhan ah Xukuumadda.
Halkaan hoose ka Daawo
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:46 and have
, Published at