daajis.com:- Shacabka Soomaalida ayaa wali la kulmaya dhibaatooyin badan oo xagga nolasha ah,waxaana hay’adaha Qaramada Midoobay ay dalbadeen in laga caawiyo baahida jirta.
War ka soo baxay hay’adda cuntada iyo beeraha ee FAO, ayaa si degdeg ah u dalbanaysa lacag dhan 697 milyan oo dollar, si loogu caawiyo 30 milyan oo qof oo ku nool 31 dal oo ay Soomaaliya ka mid tayhay, kuwaas oo ay saameeyeen xiisado dhaqaale.
Agaasimaha heerka xaaladda degdegga ah ee hay’adda FAO, Dominique Bourgeon, ayaa Talaadadi sheegay in hay’addu ay isku dayayso maareynta hababka digniinaha ah ee ugu horreeyo.
Wuxuu tilmaamay in hay’adda FAO ay dalka Soomaaliya u codsatay 118 milyan oo doollar, taas noqonaysa dalka kaliya ee ugu badan dhaqaalaha ay hay’addu doonayso. Lacagtan ayay hay’addu sheegtay inay ku horumarinayso nidaamka beeraha Soomaaliya iyo la dagaallanka gaajada.
Hay’adda ayaa sidoo kale u dalbanaysa dhaqaalaha dalka Syria iyo waddamada kale ee gobolka Sahel Afrika, oo ah meelaha ugu weyn ee u baahan gargaarka si kor loogu qaado beeraha loona yareeyo gaajada.
24 sanno oo u dalka dagaal ka jiray ayaa kumaanan ka mid ah muwaadiniinta Soomaalida waxaa ay la kulmeen dhibaatooyin badan,balse hadda falanqeeyasha ayaa sheegaya dalka inuu marayo marxalad wanagsan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 01:00 and have

