Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Tababar uga furay Kampala Guddiyada joogtada Baarlamaanka

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Tababar uga furay Kampala Guddiyada joogtada Baarlamaanka

daajis.com:- Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda uga furay Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya kulan howleed la xiriira dejinta qorshayaasha Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo dhowaan furmaya.

Kulan howleedkan oo socon doona mudo todobaad ah ayaa waxaa munaasabadda furitaanka kasoo qeybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa,Gudoomiyeyaasha Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka,mas’uuliyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda Awepa oo kulan howleedkan fududeeyneysa.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo khudbad ka jeediyey munaasabadda furitaanka kulan howleedkan ayaa ugu horeyn tilmaamay in xubnaha guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka laga doonayo iney dib u eegaan Shantii Kalfadhi ee Golaha Shacabka horey u yeeshay waxyaabihii qabsoomay iyo Kalfadhiga 6aad ee soo socda waxyaabaha la doonayo in muhiimad la siiyo isagoo dhanka kalena xusay in Guddiga looga baahan yahay iney xuquuq u dejiyaan mas’uuliyiintii horey xilalka uga degay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo khudbaddiisa furitaanka ka jeediyey kulan howleedkan lagu dejinayo qorshe howleedka Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka ayaa xusay in xubnaha guddiga Joogtada ah ay tahay iney sameeyaan ka baaraan degid la xiriira qorshayaasha hor u tebinta leh Kalfadhiga soo socda ee 6aad waxa uu si gaar ah u tilmaamay hirgelinta guddiyada madaxa bannaan ee lagama maarmaanka u ah hiigsiga 2016ka kuwaasi oo shuruucdooda Baarlamaanku horey u ansixiyey.

Kulan howleedkan magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda uga furmay guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qeyb ka ah kulammo howleedyo,aqoon is weeydaarsiyo iyo aqoon kororsiyo magaalada Kampala uga soconaya guddiyada kala duwan ee Baarlamaanka Soomaaliya inta lagu guda jiro fasaxa Kalfadhiga Golaha Shacabka taasi oo qeyb ka ah fulinta heshiiskii ay kala saxiixdeen Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliya iyo Uganda bishii August sanadkii 2013.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada