daajis.com:- Saraakiisha DF Somalia ee gacanta ku haya Amaanka Villa Somalia, ayaa la sheegayaa inay wadaan qorshayaal ay wax badan uga bedelayaan Amaanka Madaxtooyada.
Warar hoose oo aan ka heleyno Madaxtooyada ayaa sheegaya in Saraakiishu ay qabteen kiisas badan oo la xiriira Ciidamo ka howlgala Villa Somalia, oo laga shakiyey.
Dad arrintan xog ogaal u ah ayaa Caasimada Online u sheegay in saraakiisha ay baaritaano ku wadaan Ciidamada Madaxtooyada kuwaasi oo in badan oo ka mid ah la sheegay inaysan u diiwan gishneyn DF Somalia islamarkaana ilaalo u ah Wasiiro ka tirsan Dowlada.

Waxaa la filayaa in Ciidamo farabadan oo ka howlgala Villa Somalia laga ruqseeyo howshooda, kadib markii la helay kiisas badan oo la xiriira amni daro ka taagan Madaxtooyada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 10:38 and have
, Published at