daajis.com:- Doowlada Federaalka Soomaaliya, ayaa markii ugu horeeysay hadal kasoo saaray, Saraakiil katirsan Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugida oo loo xir xiray qaraxii 22kii Janaayo ka dhacay Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.
Dr Axmed Cali Abuukar ku xigeenka Xeer-ilaaliyaha Qaranka oo kamid ahaa gudiga loo xilsaaray baaritaanka arintan ayaa sheegay in 11 ruux oo lagu eedeyay in ay falkaasi ka dambeeyeen xabsiga dhexe loo gudbiyay isla markaana baaritaano lagu sameyn doono.
Ku xigeenka Xeer-ilaaliyaha qaranka ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xarunta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed uu ku sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan Maxkamad loo soo taagi doono shakhsiyaadkii lagu helo in ay fududeeyeen qaraxiika dhacay Hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho.
“Dadka la qabtay waxaa ku jira saraakiil ,Waxaan aaminsanahaya in aan kiisaska arintan aad de dejinay maadaama arintan ay aheyd mid culeyskeeda leh waxaana loo gudbinayaa Maxkamadda ku shaqada leh” ayuu yiri Dr Axmed.
Dr Axmed ayaa sidoo kale sheegay in dadka hadda la qab qabtay ay yihiin oo kali ah tuhunsanayaal isla markaana ay kala saari doonoto Maxkamad.
Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in gudi ay u saartay oo baaritaano ku sameynaayo qaraxii 22-ka bishii Janaayo ee sanadkan, waxaana laga dhursugayay natiijada baxda baaritaanada ay gudigu sameeyeen.
Qaraxii ka dhacay Hotel SYL, ayaa waxaa masuuliyadiisa sheegtay Alshabaab, laakiin waxaa jiray su’aalo iyo tuhuno ku saabsan, ineey jiraan saraakiil fududeeysay weerarkaas, maadaama amaanka Hotelka iyo agagaarkiisa aad loo ilaalinayay.
Weerarka Hotel SYL, ayaa kusoo aaday maalin kahor booqasho uu M/weynaha Turkiga ku imaanayay magaalada Muqdisho, waxaana Hotelka daganaa wafdi hordhac u ah wafdiga M/weynaha Turkiga.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 10:13 and have
, Published at