daajis.com:- Diyaarado dagaal oo aan la aqoonsan dalka laga lee yahay, ayaa saakay duqeymo ka geystay deegaanada Toora Toorow iyo Ambariiso ee Gobolka Shabeellaha Hoose, xilli la ogyahay in fariisimo ku lee yihiin dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab.
Duqeymaha, ayaa subixii hore ka dhacay kontorool ku yaala deegaanka Toora Toorow, oo dhaca duleedka Degmada Afgooye, halkaasoo la rumeysan yahay inay ku sugnayeen Saraakiil Shabaabka ka tirsan.
waxaa isla saakay Duqeymo kaloo xoogan laga maqlay kontorool kale oo ku yaala deegaanka Ambariiso, oo deegaan ahaan ka tirsan Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), ayaa xaqiijiyay jiitaanka duqeymahaasi, waxyeelana loogu geystay mintidiinta Ururka Al Shabaab.
Gudoomiyaha, ayaa sheegay inay dib ka soo faah faahin doonaan khasaaraha dhabta ah ee Shabaabka ka soo gaaray duqeymahaasi iyo weliba cidda dhabta ah ee geysatay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 10:11 and have
, Published at