daajis.com:- Kooxda Arsenal ayaa u soo baxday wareega afar dhamaadka ama Sema Final-ka, kadib markii ay ka adkaatay kooxda Man United oo ay isaga hor-yimaadeen ciyaartii Quarter Final-ka.
Arsenal ayaa 2-1 uga badisay Manchester, waxayna aheyd guushii u horeysay ee ay gaarto Arsenal tan iyo sanadkii 2006-dii oo ay Manchester uga badiso garoonkeeda Old Trafford.
Bilowgii horeba ayaa ciyaarta ku bilaabatay dar dar, iyadoo Arsenal ay ku hormartay gool, waxaana u saxiixay ciyaaryahan Nacho Monreal.
Hase ahaatee Manchester United ayaa deg deg uga jawaabtay, markii Rooney uu madax ku bar bareeyay kubad uu u soo karoosay Di Maria.
Ciyaarta ayaa ku dhamaatay qeybtii hore 1-1, waxaana jiray fursado dhowr ah oo ay qeybtii hore iska qasaariyeen kooxda Manchester United.
Qeybta labaad ayaa markii la isku soo laabtay, ayaa Tababaraha Manchester uu bedelo deg deg ah sameeyay, waxaana uu soo geliyay ciyaaryahanada Carrick iyo Jones oo uu ku bedelay Herrera iyo Luke Shaw.
Arsenal ayaa qeybtii labaad la soo baxday dar dar, iyadoo fursado dhowr ah abuurtay, balse qalad ay galeen daafacyada Manchester ayaa noqday mid lagu ciqaabay.
Ciyaaryahan Danny Welbeck ayaa kooxdiisa hore gool ka dhaliyay, markii kubad uu Valencia u tuuray goolhaye De Gea ayuu intii ka daba tagay ka qaatay goolhayaha, dabadeedna shabaqa oo furnaa ku hubsaday.
Manchester United ayaa wixii markaas ka dambeeyay la soo baxday fir fircooni, inkastoo qaladaad ay galayeen ciyaaryahanadooda, laakiin waxaa ugu darneyd markii ciyaaryahan Di Maria kaarka cas la siiyay.
Di Maria ayaa kaarkiisa labaad ee jaalaha la siiyay daqiiqadii 76aad, markii uu is-tuuray, balse isagoo filayay qaladkaas in loo dhigo ayuu garsoorihii ka dhigay, waxayna taas keentay in Di Maria caro darteed uu funaanada ka jiido garsooraha, taas ayuuna ku muteystay jaalihii labaad iyo kaarka cas in loo raaciyo.
Arsenal ayaa dooneysa in markii 12aad ku guuleysato Koobka FA Cup-, waxayna Sema Finalka ku soo aaday kooxdii soo adkaatay Bradford iyo Reading oo todobaadka soo socda wada ciyaaraya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:30 and have
, Published at