Maxakamadda sare ee Mareykanka iyo go’aanka Gen. Maxamed Cali Samatar

Maxakamadda sare ee Mareykanka iyo go’aanka Gen. Maxamed Cali Samatar

daajis.com:- Maxkamadda Sare Wadanka Mareykanka, ayaa waxay ka hortimid in la joojiyo dacwadda ka dhanka ah General Maxamed Cali Samatar, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhiga Dowladdii Dhexe Somaliya.

Dowladda Madaxweyne Barack Hussein Obama, ayaa Maxkamadda Sare Mareykanka weydiisatay inaanay dhageysan eedeymaha loo heysto General Maxamed Cali Samatar, ha yeeshee Maxkamaddu waa ay ku gacan-seyrtay.

Dad Soomaali ah, ayaa waxay ku eedeeyeen inuu bixiyay amarka lagu dhibaateeyay dad fara badan oo shacab ah, sida ay sheegeen, laakiin waxa qirayn inaanu jirin dhibaato uu isagu geystay Jananku.

Dacwaddii ugu horeysay oo ka dhan ah General Maxamed Cali Samatar, ayaa sanadkii 2010-ka ka furmatay Maxkamad ku taala Gobolka Virginia, iyadoona soo socotay tan iyo xiligaa.

Maxkamadda Sare Mareykanka, ayaa sidoo kale sheegtay in General Samatar uu iska difaaci karo eedeymaha loo heysto, si Maxkamaddu go’aan kaga gaarto kiiskiisa.


Qoyska General Samatar, ayaa horey u sheegay inaanay sii wadi karin dacwadda ka dhanka ah Jananka, waayo waxaa ku baxaaya dhaqaalo fara badan, isa-markaana aynaan intaasi ka dib dacwadiisa sii wadi karin.

Jananku waxa uu horey u beeniyay eedeymaha lagu soo eedeeyay, isla-markaana uu xilligaa ahaa masuul ka tirsan Dowladda, uuna u hogaansamay awaamiirtii Dowladda uun.

Lama garanayo waxa qoyska General Samatar kaga jawaabi doonaan amarka ka soo baxay Maxkamadda Sare Mareykanka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada