Video :- Nin Ahlu Baytka Soomaaliyeed ka mid ah oo diinta Islaamka ka baxay

Video :- Nin Ahlu Baytka Soomaaliyeed ka mid ah oo diinta Islaamka ka baxay

daajis.com:- Ummadda Soomaaliyeed muddo 25 sannadood ah, waxaa la badaayay dil, dhac iyo kufsi joogto ah. Dhibka la gaarsiiyayna ugama imaan si toos cadaw dibadda uga soo duulay, waxaa u gaysanaayay kuwa ku diin iyo diir ah. Taasoo ku qasabtay inay u magan noqdaan dad aan ku diin iyo diir ahaynin intaba, siiba Itoobiya iyo Kenya oo ah cadaw dhaqameedka ummadda Soomaaliyeed.

Dadkaan dalkoodii laga barakiciyay, waxaa maciin u noqday kaniisado oo ku guulaystay inay qaar ka mid ah quluubtooda hantaan.

Halkan waxaan ku soo qaadanaynaa Shariif Cali Shariif Ibraahim oo ka mid ah Alhu Baytka (Asharaaf). Siiba ashaaraf Sarmaan asal ahaan ka soo jeedo Gobolka Baay, kuna koray degmada Boondheere, aabbahiis Shariif Ibraahim wuxuu ii ahaa imaam muddo 16 sanno ah kahor intuusan geeriyoonin bilowgii dagaaladii sokeeye.

Halkaan Hoose ka Daawo

Cali wuxuu ka mid yahay 4 wiil ee uu Shariif Ibraahim dhalay, kuna kala samiyay 4ta khulafaa’u raashidiin. Wuxuu af Soomaali u rogay qasiidada yaa khayral anaami calayka salaami. Bishii 8aad 1990kii, waxaan asaga iyo aabbahiis quraan wada saarnay eeddaday oo Jarmalka u dhoofaysay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada