daajis.com:- Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada madaxda dalka Qatar ee Doha ayaa maanta la kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Qatar, Mudane Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani, waxa ayna labada Ra’iisul Wasaare ka wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo xiriirka dheer ee ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Qatar.
Labada Ra’iisul Wasaare ayaa isla afgartay sidii loo xoojin lahaa dadaalada kala duwan ee dawladdu ay ugu jirto dib-u-dhiska Soomaaliya. Waxaa labada dhinac ay ka wada hadleen in Qatar ay gacan ka gaysato Xasiloonida Siyaasadeed, Kobcinta Ganacsiga Soomaaliya, Adeegyada Bulshada, Maalgashiga iyo taageerada Hay’adaha Dawladda Soomaaliya.
Soomaaliya iyo Qatar ayaa ku kala saxiixday magaalada Doha labo heshiis oo wax ka tari doona Waxbarashada iyo Duulista Hawada iyadoo ay Soomaaliya heshiisyadaasi u saxiixeen Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Cabdisalaam Cumar Hadliye iyo Wasiirka Duulista iyo Hawada, Mudane Cali Axmed Jaamac Jengali.
Dawladda Qatar waxaa heshiiskaasi u saxiixay Wasiirka Waxbarshada, Mudane Mohammed Abdul Wahed Al Hammadi iyo Wasiirka Gaadiidka, Mudane Jassim Saif Ahmed Al Sulaiti.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:26 and have
, Published at