Ra’ iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Maanta Booqasho ku tagay Magaalada Dhuuso-Mareeb

Ra’ iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Maanta Booqasho ku tagay Magaalada Dhuuso-Mareeb

daajis.com:- Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wefdi uu hogaaminaayo, ayaa waxay maanta gaareen Magaalada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud.

Ra’iisal Wasaraha iyo wefdigiisa, ayaa waxaa si habsami leh loogu soo dhaweeyay Magaalada Dhuuso -Mareeb, iyadoo dhanka kalana si weyn loo adkeeyay ammaanka Xarunta Gobolka Galgaduud.

Wasiirka Gaashaandhiga General C/qaadir Sheekh Cali Diini, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye (Cirfo), Xildhibaano, Saraakiil ciidan, Siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, ayaa wefdiga Ra’iisal Wasaaaha ku soo dhaweeyay magaaladaasi Dhuusa Mareeb.


Dhinaca kale Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, ayaa waxaa la filayaa in booqashada ka dib uu safar dhulka ah uu ku tegidoono Magaalada Guriceel.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada