daajis.com:- Sarkaal ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Mas’ uuliyiinta Dowladda Somalia ee ku sugan degmada Dhuusa Mareeb ee gobolka Galgaduud, waxaana sarkaalkaan oo lagu magacaabo C/llaahi Axmed Muxumad uu al-Shabaab u qaabilsanaa sameynta miinooyinka iyo waxyaabaha qarxa.
C/llaahi Axmed Muxumad ayaa Khamiistii isku soo dhiibay madaxda Dowladda ee ku sugan Dhuusa Mareeb, kadib wada hadal iyo xiriir uu lasoo sameeyay, isagoo todobaad ka hor uu ka baxsaday Al-Shabaab oo uu duur joog ahaa.
shabab-gafuur--duubSarkaalkaan ayaa tababar dhinaca sameynta iyo rakibaada miinooyinka iyo walxaha qarxa kusoo qaatay dalka Yeman oo Al-Shabaab ay u dirtay.
Madaxa Amniga Gobolka Galgaduud Mahad Khaliif Rooble ayaa sheegay in Sarkaalkan uu la soo xiriiray, isla markaana ay soo dhoweeyeen, waxaana uu ugu baaqay saraakiisha Al-Shabaab ka tirsan inay ka soo tagaan oo ay isku soo dhiibaan.
Guddoomiyaha degmada Dhuusa Mareeb Macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed ayaa tilmaamay in dowladdu ay soo dhaweyneyso dadka ka soo laabanaya fikirka khaldan ee kooxda Al-Shabaab sida uu yiri
C/llaahi Axmed Muxumad ayaa lagu wadaa in la keeno Muqdisho si loogi wareejiyo Hay’ adda sirdoonka iyo nabadsugida qaranka oo su’ aallo weydiin doonto, waxaana horay isu soo dhiibay saraakiil sare oo Shabaab ka tirsanaa, kuwaasoo ka tanaasulay fikirkii xagjirnimada ee ku saleysnaa dilka iyo dhibaateynta shacabka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:00 and have
, Published at