daajis.com:- Ciidammada Booliska Soomaaliyeed oo kaashanaya xafiiska Xeer-ilaalinta Qaranka, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku bur-buriyey Qamri horey hay’adaha amniga gacanta ugu dhigeen diyaaradii siday oo lagu qabtay garoonka diyaaraha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Bur burinta Qamriga oo ka dambeysay dabagalka Hey’adaha ammaanka ay sameeyeen islamarkaana ay ku soo qabteen dhalooyinka ay ku jiraan Qamriga ayaa goobta lagu burburinayay waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, iyo Mas’uuliyiin ka mid ah Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.
Mas’uuliyiinta goob jooga ka ahaa Bur burinta qamriga ayaa waxa ay sheegeen in ay sii wadayaan dabagalka waxyaabaha dhibaatada u keenaya bulshada ee noocaan oo kale ah, waxaana ay uga digeen dadka ku howlan in Qamri ay keenaan dalka in ay ka waantoobaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:30 and have
, Published at