VIDEO:- Soomalida oo Dib ugu Laabtay Goobohoodii Ganacsi ee looga Gubay Dalka South-Africa

VIDEO:- Soomalida oo Dib ugu Laabtay Goobohoodii Ganacsi ee looga Gubay Dalka South-Africa

daajis.com:- Wadahadallo qaatay dhowr casho una dhaxeeyay jaaliyadda Somalida iyo mas’uuliyiin ka tirsan booliiska xaafada Philippi iyo guddi dadka ku nool deegaankaas ayaa ugu dambeyn waxaaa la isla gartay in Soomaalidu ay dib ugu soo laaban karaan goobahii ganacsiga ee laga boobay todobaadkii hore.

Boobka loo geystay Ganacsatada Soomaalida ayaa ka dhacay xaafado ka tirsan deegaanka Philippi, iyadoo weli lagu arkayo raadad ay deegaanadaas ku reebeen boobkii iyo burburkii loo geystay dukaamada Soomaalida ay ku leeyihiin deegaannadaas.



Zakariye Maxamed Maxamuud oo ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee ganacsiyada ku lahaa deegaanka Philippi ayaa 24-kii bishii Feberaayo ee sannadkan ka badbaaday dab la qabadsiiyay dukaankiisa intii rabshaduhu ay ka socdeen deegaannadaas.

“Xilli maqrib ay ah ayaa mar qura waxaan arkay dad badan oo kusoo yaacay dukaankayga, kaddib waxaan isku daynay inaan ka baxno, balse dab ayay ku shideen dukaanka, Allena waa iga badbaadiyay, hantidii ku jirtayna wax ka haray ma jirin,” ayuu yiri Zakariye oo warbaahinta kula hadlay Philippi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada