daajis.com:- Afhayeenka wasaarada Amniga DF, ayaa ka dhawaajiyay in Ciidamada DF ay mardow heli doonaan diyaaradaha aan cidina wadin ee Drones-ka.
Afhayeenka ayaa sheegay, in diyaaradahaas ay u adeegsan doonaan la dagaalanka Alshabaab, iyo sidii ay Soomaaliya kaga kaaftoomi lahayd in doowlado shisheeye ay ka taageeraan duqeymaha cirka ee Alshabaab ka dhanka ah.
Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa Tababarro qaarkood ay ugu Maqanyihiin Dalka dibaddiisa Gaar ahaana Dalka Turkiga, sidoo kale waxaa la sheegay in Soomaaliya la siinayo Waqtiga dhow Diyaaradaha aan Duuliyaha laheyn ee Drones, kuwaa oo ay Dooneyso in ay uga qeyb qaadato AMaanka Dalka soo Celintiisa.
Diyaaradaha Drones-ka, ayaa inta badan waxaa adeegsada oo caan ku ah Mareeykanka, waxaana uu ku qaarijiyay dhowr kamid ah hogaamiyaasha Alshabaab iyo Al-Qida.
Halkaan ka dhagayso hadalka Afhayeenka:
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:41 and have
, Published at