Wadahadaladi Soomaaliya iyo Somaliland oo bur bur ku dhamaaday

Wadahadaladi Soomaaliya iyo Somaliland oo bur bur ku dhamaaday

daajis.com:-  Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Stanbul ee dalka Turkiga, ayaa sheegaya in wadahadaladi u dhaxeeyay Soomaaliya iyo maamulka Somaliland uu fashil kusoo dhamaaday.

Wufuudda ay dowladda Federaalka iyo Somaliland u kala dirsadeen wadahadalka Istanbul, ayaa maanta kusoo kala laabanaya Muqdisho iyo Hargeysa, kaddib markii uu furmi waayay wadahadalkaasi.

Labada Wafdi ayaa diyaarado kala gaar ah waxay ka qaadi doontaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, iyadoo dhinac kastana uu dib kula laabanayo madaxda labada dhinac waxyaabihii ay kala kulmeen Istanbul intii ay joogeen.


Wafdiga Somaliland ayaa ka dalbaday kan dowladda Federaalka ah, in wadahadalka laga saaro xubno ay sheegeen in ay ka soo jeedaan deegaannada Somaliland, dalabkaasi oo uu ku gacan sayray wafdiga Federaalka.

Wasiirka warfaafinta ee dowladda Federaalka, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo ka mid ah xubnaha ay diidanaayeen wafdiga Somaliland, ayaa u warramay weriye madax bannaan, Nuur Xasan Bukhaari oo Istanbul kula kulmay.


 “Waxaa keenay inuu shirku qabsoomi waayo shuruud ay la yimaadeen Ergada Somaliland, runtii waxaa u aragnaa inuu munaasib aheyn, anagana aan waxba ka qaban karin, hadey wax tabanayaan waxay aheyd inta aanay Hargeysa ka soo bixin in arrinta jirtay in dalka intii la joogay lagu xaliyo, waa ka xunahay wax kasta oo dib u dhac ku yimaado danaha iyo aaya ka talinta Soomaaliya”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Maareeye.

Mr Maareeye ayaa sheegay in mas’uuliyada iyo dib u dhaca ay qaadanayaan Somaliland, waxaana dalabka ka soo yeeray ee ahaa in afar xubnood uu isaga ka mid ahaa in shirka laga saaro ay aheyd mid aan la aqbali karin, waxaana uu isku tilmaamay inuu isaga isu heystay inuu ahaa buundo isku xiri karta dowladda Federaalka iyo Somaliland,

“Ergada dowladda hal unug weeye, lama kala soo karo, madax ayaa soo magacawday, anagan go’aan aan ku kala saari kareyno oo intaan fariisaneyso ma lihin, aniga waxaa isu arkayay inaan ahaa buundadii isku xiri kartay Soomaaliya iyo Somaliland”ayuu yiri Maareeye.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo isna la hadlay BBC-da ayaa sheegay in shirka ay bur buriyeen ragga faraha badan ee reer Somaliland ay ku soo dareen wafdiga dowladda, isagoo xusay in arrintaas ay mar hore kala hadleen oo ay dowladda Turkiga warqad u qoreen, ayna ku tilmaameen inay tahay mid aan la aqbali karin.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada