daajis.com:- Bill Gates ayaa loo magacaabay qofka dunida ugu qanisan markiisii 16aad sida uu daabacay wargeyska caanka ah ee Forbes.
Aasaasaha shirkadda Microsoft ayaa mar kale waxa uu ka guuleystay Carlos Slim oo ah ganacsade u dhashay dalka Mexico. Hantida uu Gates leeyahay ayaa sare u kacday $3bn (£1.94bn) muddo sanad ah illaa iyo $79bn
Waxaa jira caalamka dad bilyaneero ah ama taajiriin ah kuwaasoo gaaraya 1,826 sida ay daabacday Forbes waxaana bilyaneeradaas ku korortay 12kii bilood ee la soo dhaafay 181. Mr Gates ayaa liiska ugu sareeyay 16 jeer 21kii sano ee la soo dhaafay.
Aasaasaha Facebook Mark Zuckerberg ayaa ka mid ah labaatanka ruux ee ugu taajirsan caalamka. Mark Zuckerberg ayaa lambarka 16aad soo galay sanadkan isagoo shan derejo hore u socday waxaana hantidiisa lagu qiimeeyay $33.4bn.
Haweeneyda lagu magacaabo Elizabeth Holmes, oo ah 31 jir aasaastay shirkadda baaritaanka dhiigga ee Theranos ayaa noqotay qofka ugu da’da yar ee dadaal ay gashay ku gaartay in ay maalqabeen noqoto waxaana hantideeda lagu qiimeeyay $4.5bn.
20-ka ruux ee dunida ugu qanisan ayaa 15 ka mid ah waxa ay yihiin Maraykan halka 290 ruux oo liiska ku soo biirtay dhowaan ay 71 ay ka soo jeedaan dalka Shiinaha.
Warbixinta ay daabacday Forbes ayaa lagu sheegay in rikoor cusub ay gaareen dadka da’ada yar ee bilyaneerada noqonaya waxaana ku jira liiskaas 46 maalqabeen ah oo da’adoodu ka yar tahay 40 sano.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 16:30 and have


