War Deg-Deg:- Zakariye Ismaaciil Xersi oo Dowladda Maraykanka ay ka saartay Liiska Argagixisada

War Deg-Deg:- Zakariye Ismaaciil Xersi oo Dowladda Maraykanka ay ka saartay Liiska Argagixisada

daajis.com:-  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay go’aanka dowladda Mareykanka ay liiska dadka Argagixisada uga saartay Zakariya Ismaaciil Xirsi oo loo yaqaano Zaki, kaas oo ka mid ah xubnaha ka soo goostey kooxda Al Shabaab, wuxuuna hadda la shaqeynayaa Ciidamada dowladda Federaalk.

Talaabadan ayaa waxay ka dambeysey wadaxaajood dhex marey dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka, si loo xaqiijiyo looguna abaalmariyo Zakariya Ismaaciil go’aanka uu qaatey ee uu kaga haray xoog wax ku raadinta, kahor imaanshaha fikradaha kooxda Al-Shabab, iyo isagoo si rasmi ugu biirey hanaanka nabadda, kuwaas oo ah shuruudaha ugu muhiimsan ee laga doonayo inay fuliyaan shakhsiyaadka ka soo goosanaya Al Shabab. Zakariya Ismaaciil waxaa uu si aan leexleexad lahayn bulshada Soomaaliyeed ugu muujiyey inuu shuruudahaasi buuxiyey, isagoo dhowr jeerna la hadley saxaafadda.

Dowladda Soomaaliya waxay u mahadcelineysaa dowladda Mareykanka iyo dalalka kale ee saaxibada la ah dhanka iskaashiga dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab iyo dib u dhiska Soomaaliya.


Waxaa ay dowladda mar kale fariin u direysaa kuwa weli ku dhex xaniban ururka Al Shabaab ha noqdeen hoggaamiyeyaal ama dagaalyannada caadiga ah in haddii ay doonayaan inay isaga haraan dagaalka iyo xoog wax ku raadinta, isla markaana ay si cad u diidaan fikirka qalaad ee Al Shabaab, in markaasi la siin doono fursad ay qeyb uga noqdaan dib u dhiska Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada